Magalada Yokohama ee dalka Japan ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah in uu ka furmo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD),waxaana shirkaasi ka qeyb-geli doona Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.
Shirkaasi Soomaaliya waxaa uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Balal Maxamed Cusmaan.
Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa shirkaas