Maamulka Ahlu sunno oo markale ka hadlay doorashada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu-sunna ee Gobolada Dhexe C/laahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay muhiim in a tahay in la wadaago talada Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay ku taliyeen ummadda wax iyada ay raali ku tahay in loo dhiso, maadaama shacabka ay yihiin dad isla dhashay oo isku dan ah, loona baahneyn dad gaar ah in ay hoggaamiyaan Doorashada waa sida uu yiri.

Sidoo kale Prof C/laahi Xirsi ayaa ku baaqay in fara gelinta laga daayo shacabka, wuxuuna ku taliyay muhiim in ay tahay in la isa sugo, maadaama hal meel loo wada socdo.

Maamulka Ahlu sunno ayaa la sheegayaa inay ku kala aragti duwan yihiin doorashada Galmudug, waxaa muuqata siyaasiyiin qunyar socodka ah ay daneynayaan in Galmudug wax lala dhisto, halka garab kale qabaan in aysan wax wada hadal ah la galeynin Galmudug.

Doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa loo asteeyey in ay dhacdo 10 April, waxaana maanta la filayaa in guddiga doorashada ku dhawaaqaan jadwalka doorshada.