Manchester City Oo Kalsooni Ku Qabta Saxiixa Isco

Ciyaaraha

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qirtay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco uu yahay saxiix mustaqbalka ah, waxaana ay dareensan yihiin in ciyaaryahanka reer Spain ay ku qancin karaan inuu u dhaqaaqo Etihad Stadium.

Isco mar walba looma tixgelin doorka koowaad ee Bernabeu, laakiin 25 jirkaan ayaa dhawaan ka soo muuqday mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee Zinedine Zidane, islamarkaana qandaraas muddo dheer ah u saxiixay bishii hore.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Don Balon, City ayaa kalsooni ku qabta inay ku adkeysan karaan saxiixa ciyaaryahanka reer Spain mustaqbalka.

City ayaa awoodi weysay inay la kulanto qandaraaskii Isco ee lagu burburin karo 637 milyan ginni, lakiin haatan waxa ay aaminsan yihiin in saxiixa xiddigii hore ee Malaga la dhigi karo, halka Pep Guardiola uu weli yahay kooxda.

Real ayaa ku guul darreystay bilowgii xilli ciyaareedkan, laakiin Isco waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka La Liga seddex gool iyo seddex caawiye oo ka yimid 10 kulan oo uu saftay.