Deg Deg:- Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Wararka Maanta

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in magaalada lagu diley Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari  Khalar Buncun.
Wararka ayaa sheegaya in Dableey Hubeysan ay Dileen Guddoomiye Kuxigeenkii hore Ee Gobolka Bari,kuwaas oo Goobta ka baxsaday.
Ciidamada Ammaanka Maamulka Ee Magaalada Boosaaso ayaa Baaritaano ka wada Xaafado kamida Magaalada Boosaaso oo uu Dilku ka dhacay.