SAWIRRO: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shir ka furay Magalada Muqdisho

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya MD Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa  diirada lagu saarayaa sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka u ah noloshooda, loona daadajin lahaa maamulka.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in u jeedka madashaan loo dhisay ay tahay Horumarinta golayaasha deegaanka. Hirgalinta hannaanka dhab u hrshiisiinta Qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha Barakacayaasha.

Wasirka ayaa ayaa sidoo kale tilmaamy in degmooyinka ay sal dhig u yihiin in helo dhab u heshiin waarta iyo xal Waara oo loo helo dhibaatooyinka haysta dadka Barakacayaasha ah.

Wuxuu ku daray in sidook ale laga doodayo Dajinta qorshaha xasilinta deegaanada la xureeyay.

Wasiirada dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa bogaadiyay rajana ka muujiyay natiijada ka soo bixi doonto shirkan.

Shirka madasha Wadajir waxaa uu soconayaa mudo 3 maalmood waana kii 12aad, waxaana la filayaa in lagu dajiyo qorshaha xasilinta iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dalka ee lagu howl galayo sadaxda bil ee soo socoto.