Sawirro: Wafdi ka socda Dowlada Federaalka oo Cadaado soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi ka socda dowlad federaalka ah ayaa galabta soo gaaray Magaalada Cadaado, oo beri la filayo in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynihii labaad oo ay yeelato dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxaana ku wehliya safarka Wasiirka howlaha guud Xirsi Rooble, Wasiir ku xigeenka Xanaanada xoolaha C/kariin Khaliif  Dhalac, wasiir dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi kaariye iyo xildhibaano federaalka ah.

Wafdigaan ayaa Cadaado u yimid sidii ay uga qeybgali lahaayeen doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo beri ka dhacaysa Magaalada Cadaado. waxaana xarunta Madaxtooyada ku soo dhaweeyey Madaxweynaha ku xigeenka Galmdug Maxamed Xaashi.

Cadaado ayaa marti galinaysa doorashada Madaxweynihi labaad oo ay yeelato Galmudug, waxaana ku tartamaya saddex musharax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Cali Hilowle iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac.

18275097_1747137581968975_6296685298734514243_n18268214_1747137688635631_287416902108373694_n18268483_1747137618635638_6484466008310789692_n

juxa cadaado2juxa cadaadojuxa cadaado1