Sawirro: Shariif Xasan oo Xariga ka jaray Madaxtooyada Cusub ee Maamulkiisa Degmada Baraawe

Wararka Maanta

Shariif Xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xariga ka jaray Madaxtooyada cusub ee mamulkiisa oo laga dhisay degmada Baraawe.

Shariif Xasan oo sidoo kale maanta gaaray ayaa sidoo kale xarigaa ka jaray Garoonka Dayuuradaha iyo dekadda macmalka ah Magaalada Baraawe.

Baraawe waa xarunta rasmiga ah ee maamulka Koofur Galbeed sida uu qorayo dastuurka maamulkaas, waxaana uu maamulku ku howlanaa mudooyinkan sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa xarumaha magaaladaasi.

Maamulka Shariif Xasan ee sida ku meel gaarka ah u degan Baydhaba ayaa lagu wadaa iney u guuraan Baraawe.

Todobaad ka hor Shariif Xasan oo ka hadlayay waxaa diidan inay u guuraan Baraawe ayaa ku sababeeyay inay tahay magaalo go’doon ah oo aan lahayn garoon dayuuradeed Deked iyo Waddooyin ku xiran Muqdisho ama magaalooyin kale sidaa darteedna uusan dagi Karin maamulkiisa.

bara1 bara3 bara4 bara5 bara6

Tagged

Comments are closed.