Ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo Al-shabaab ayaa waxa ku dagaallameen Buuraha Calmadow ee gobolka Bari sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta maamulka Puntland.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa la isku adeegsaday hoobiyeyaal.
Saraakiisha Ammaanka maamulka Puntland ayaa guul weyn ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana ay sheegeen in ay burburiyeen Saldhiga Al-Shabaab lahaayeen.
Puntland ayaa ku hanjabtay in ay qaadi doono tilaabo walbo oo Al-Shabaab looga saarayo buuraha gobolka Bari.
Alshabaab ayaa dhawaan weerar ku ekeeyey saldhiga ciidamada Puntland ee tuulada Af-Urur, halkaas oo ay khasaare badan ka geysteen.