Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay la taliyahiisa Arimaha Bulshada

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magacaabay la taliyaha dhanka arimaha Bulshada, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya.

Caasho Abokar Qaasim, ayaa loo magacaabay la taliyaha dhanka arimaha Bulshada Madaxweynaha Soomaaliya sida lagu daabacay Warbaahinta Dowladda.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay khibrad u leedahay dhanka arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna loogu magacaabay xilkaan.

Magacaabis-1-1-745x1024