Daawo:Gudiga qaran ee gurmadka abaaraha oo deeq lacageed gaarsiiyay maamulka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xubno kasocday Gudiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa maanta lacag gaareysa boqol iyo konton kun oo doller ku wareejiyay dowlad goboleedka Galmudug

Lacagtan oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ayaa gudiga waxaa ka gudoomay madaxweyne kuxigeenka Galmudug waxaana goob joog ka ahaa gudiga gurmadka abaaraha Galmudug

gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka Somaliya Batuulo sheekh Axmed oo kamid ah gudiga qaran ee gurmarka abaaraha ayaa sheegtay in lacagta ay soo gaarsiiyeen Galmudug aysan ku filneyn wax ka qabashada abaaraha hase yeeshee loo baahan yahay in dadka Somaliyeed ay is garab istaagaan

Wasiirka gargaarka bini aadanimada iyo daryeelka naafada Galmudug Shiire Xirsi maxamuud ayaa sheegay in abaarta ka jirta Galmudug ay tahay mid si siman uga jirta dhamaan deegaanada hoos yimaada maamulka

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Cabdi ayaa ka mahadcelshey deeqdan lacageed ee lasoo gaarsiiyay waxuuna sheegay in loo qeybin doono degmooyinka Galmudug siloo gaarsiiyo dhamaan dadka abaartu saameysay