Sawirro: Musharax Prof Shirwac oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cadaado

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharax Madaxweynaha Galmudug Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah Galmudug.

Musharaxa ayaa duleedka magaalada waxaa uga hortagay taageerayaashiisa, wuxuuna safar dhulka ah uga soo ambabaxay magaalada Galkacyo.

Prof Shirwac ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyey ee soo gaara magaalada Cadaado oo la filayo in 10ka bishan lagu doorto Madaxweynaha Galmudug.

Cabdulqaadir Shirwac ayaa taageero fiican kuleh Bulshada Galmudug, isagoo sanadihii ugu dambeeyey hormuud u ahaa horumarka deegaanada Galmudug.

IMG_1712-1 IMG_1711 IMG_1710 IMG_1708 IMG_1707 IMG_1706 IMG_1705 IMG_1699 IMG_1697 IMG_1696 IMG_1695 IMG_1694 IMG_1688 IMG_1687 IMG_1686 IMG_1683 IMG_1682