Xildhibaan galabta lagu dilay Muqdisho

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed Moadoobe oo kamid ahaa Baarlamaanka Galmudug oo goordhow u geeriyooday Dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaas  ay ku fureen ilaalada Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka.

Xildhibaanka ayaa dhowr xabadood madax ugu dhaceen, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka Degfeer Magaalada Muqdisho, Xildhibaan ayaa marayey meel ku dhow isgoyska Sayidka.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa kasoo jeeday Degmada Ceelbuur gobolka Galgaduud, wax war ah wali kama soo bixin dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.