Barlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday C/kariin Guuleed

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow soo idlaaday fadhi ay lahaayeen qaar ka mid xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana fadhigaan shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Xareed Cali Xareed.

Kulanka oo ka dhacay xarunta shirarka ee xero midow oo ku taala xaafada karaama ee Magaalada Cadaado ayaa soo xaadiray ilaa 54 mudane, waxaana dood dheer kadib ay cod kalsoonida u qaadeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana 54 xildhibaan u codeeyeen kalsooni kala noqoshada.

Mr. Xareed ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, wuxuuna sheegay in barlamaanka kalsoonidii kala noqday Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ayaa goor hore saxaafadda u sheegay in uusan aqoonsan doonin natiijada kulanka Barlamaanka.

Xildhibaanada ku shiray Cadaado ayaa isugu jir saddex kooxood oo kala ah:

  1. Koox dooneysa in maamulku burburo.
  2. Koox ka gadoodsan wax qabad la’aanta Guuleed
  3. Iyo koox musharixiin ay wateen looga guuleystay doorashadii Cadaado ka dhacday.

Waxaa muuqata in Galmudug cagaha la gashay xasilooni darro siyaasadeed.

Comments are closed.