Sawirro: Musharax Prof Shirwac oo Galkacyo lagu soo dhaweeyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimada Galmudug ee La Filaayo in ay 10 April ka Qabsoonto Magaalada Cadaado ee Xarunta Kumeelgaarka ee Galmudug ayaan Maanta soo gaaray Magaalada Galkacyo.

Waxana Garoonka Diyaaraha Oshaco Si Weyn ugu So Dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Mudug, kan Dagmada Galkacyo, Xildhibaano iyo Wasiiro Galmudug, fanaaniin, Ardayda Wax ka Barata iskuuolada iyo Jaamacadaha magaalada Galkacyo.

Gudaha Magaalada oo uu Kula Hadlay Boqolaal ka mid ah dadki So Dhaweynta u Sameyey Qaar ka Mid ah Dadki halka ka Hadlay ayaa ka Codsaday Barlamaanka Galmudug In ay Codkoda Siiyan, Iyagoo Ku Saleynaya In Shirwac uu Yahay Shaqsi in Badan kaso Shaqeyay Horumarinta Galmudug.

Burhan Warsame Cigaal Wasiirka Dakadaha Iyo Gaadidka Galmudug ayaa Isaguna Halkasi ka Hadlay, isagoo soo dhaweeyey Musharaxa.

Prof Shirwac oo ugu Danbeyti Hadalka So Xiray ayaa goobta ka Jeediyay khudbad muhiimadeedu ahayd Waxqabadkisa hadi lo Doorto Xilka Madaxtinimada Galmudug.

1 2 3 4 6 7 8 9 10 11 12 15 13 14 15 16 17 18 20 21 19 22