Burcadbadeed doon ganacsi ku afduubtay Xeebaha Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

IMG_-p9eb4i

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan degmada Hobyo Gobolka Mudug, koox burcad badeed ah ayaa shalay doon ganacsi ku soo xiray xeebta deegaanka Ceelhuur oo 50 km koofur uga beegan Hobyo.

Burcadaan ayaa doontaan kasoo afduubtay xeebta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, doontaan ayaa la sheegay inay badeecado ganacsi u waday magaalada Kismaayo.

Kooxdan ayaa galabta doonta la aaday deegaanka Murgane oo u dhow degmada Hobyo gobolka Mudug. Ma cadda tirada shaqaalaha saaran doontan iyo dalka laga leeyahay.

Burcadbadeeda ayaa dib ugu soo laabtay xeebaha gobolka Mudug, waxaana ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee doonyaha soo rarta.