Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Banaanbax lagu taagerayey

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Khudbad u jeediyay kumanaan qof  oo isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin waxqabadkii boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga Saartay Ammaanada iyo sidoo kale sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa, waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Musuq maasuqa.

Waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda la shaqeeyaan , islamarkaana ay garab istaagan.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu u keenay Ra’iisul Wasaare Asaga ka wanaagsan , Ra’iisul Wasaarahana uu Keenay Wasiiro ka wanaagsan ,Wasiiradana laga rabo in ay keenaan Shaqaallo ka wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda in uusan waxyeelo u geysan Karin Shacabka hadii ay waxyeelo gaarsiiyaan tiirka la geyn doono.

Askarta Ciidamada dowladda ayuu uga digay in ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ,islamarkaana ay Nabad qaataan.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in hadii ay Al-Shabaab ay dagaalka joojiyaan in Ciidamada AMISOM ay dib ugu laabanayaan guryahooda.

Caddaaladda ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in si weyn diirada loo saari doono Saddexda Bilood ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto Shaqo Abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Waxaa uu Shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan isku duubni.

FB_IMG_1496575225199 FB_IMG_1496576523078 FB_IMG_1496576527389 FB_IMG_1496576531277 FB_IMG_1496576534909 FB_IMG_1496576542504 FB_IMG_1496576555832 FB_IMG_1496576559422