Sawirro:-Madaxweynaha Suudaan Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Safiir Cabdirisaaq ayaa ugu horeyn Madaxweynaha Suudaan u gudbiyay Salaan uu kaga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmajo.

Madaxweyna Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa makii uu Safiir shoole ka gaddoomay warqadahiisa aqoonsiga kadib balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday, asigoona Alla ugu baryay inuu xilka culus u fudeydiyo.

Danjire Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen.

Munaasabadan kooban ee Warqadaha looga Guddoomayay Safiir Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Lataliyaha kowaad ee Safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed iyo Nasro Maxamed Axmed oo ah Uqeybsaha Arrimaha Waxbarashada ee Safaaradda.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada Dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia.