Maamulka G.Banaadir oo sheegay in isbadal dhinaca amaanka ah muqdisho laga dareemayo

Wararka Maanta

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda oo u dhaxeeyay Maamulka Gobolka iyo Laamaha Amniga degmooyinka oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiye kuxigeenada Amniga degmooyinka.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin amni oo ka hadleysay is bedelada ka jira magaalada Muqdisho iyo hoos u dhaca ku yimid dilalka iyo qaraxyada ka dhici jiray magaalada.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa sheegay in is bedelka amni oo la taaban karo uu bilihii la soo dhaafay ka jiray Muqdisho, taasna ay ku timid wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka.

Waxaa uu sheegay in bishii la soo dhaafay ay hal degmo kaliya wax ka dhaceen, halkii degmo kaliya hal bil lagu dili jiray illaa 15 qof halka labaatan qaraxyo ku dhiman jireen.

“Degmooyinka qaar waxay marayaan in aanay waxba ka dhicin, ama degmo dhan bishii hal qof lagu dilo, halkii bil walba lagu dili jiray 15 qof 20 kalena hal qarax, sida degmada Yaaqshiid oo kale bil ka mid ah hal qof ayaa lagu dilay, taas waxay ka dhigan tahay in lix degmo in aysan bil wax ka dhicin”ayuu yiri Guddoomiye Tuulax oo intaa ku daray inuu yahay bilow fiican oo ay uga mahadcelinayaan laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmahan ay yaraadeen dilalka argagixisada, balse dilal caadi ah oo ay geystaan kooxaha maleeshiyada iyo tuugada uu dhacay.

Si kastaba ha ahaatee labadii bilood ee la soo dhaafay amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayay, waxaana howlgalo ciidamada amniga ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinka lagu qabtay kooxo falal amni daro ka geysan rabay.