Wariye M. C/wali Toxow oo Muddo Todobaad ah ku xiran Dusmareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa Muddo Todobaad  ah ku xiran xabsiga ciidanka Ahlu sunna ee magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug Wariye Maxamed Cabdi wali Tooxow oo u shaqeynayayey Universal TV iyo Radio Kulmiye.

Maxamed ayaanan wali lasoo taagin Maxkamad, waxaana suxufiyiin ku booqday xabsiga inoo sheegeen in uu caafimaad qabo, Ciidanka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya Dusmareeb ayaa ku eedeynaya Maxamed inuu tabiyey war ku saabsan Alshabaab soo gaaray tuulooyin u dhow Dusmareeb, Warkaas oo ka baxay Radio Kulmiye.

Dhanka kale ma jirto masuuliyiin ka hadashay xarigga Wariye Maxamed Cabdi Wali Tooxow, Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Galmudug ayaa maanta barteeda Twitterka ku daabacday xariga wariye Tooxow.

Magaalada Dusmareeb  ayaa ah magaalo aysan wariyayaashu si xor ah uga howlgali karin, waxaana inta badan lagu cadaadiyaa in ay taageeraan aragta Ururka Ahlu Sunna oo halkaas maamuliyey 10 sano ee ugu dambeysay.