Sawirro: Tiiceey oo Xaflada soo dhaweyn ah loogu Sameeyey Muqdisho

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynihii hore Maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa caawa waxaa Hotel Makka Almukarama ee magaalada Muqdisho loogu qabtay Xaflad soo dhaweyn ah oo si heer sare ah loo soo abaabulay.

Xafladan ayaa waxaa diyaariyey dhalinyarada magaalada Muqdisho, Waxaana kasoo qeybgalay Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka oo ay ka mid yihiin, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Wasiirka Howlaha Guud Eng Saadaq Cabdullaahi, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye, Xildhibaano labada Aqalka Barlamaanka JFS, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax,  Xildhibaano Galmudug, siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha Bulshada.

Sidoo kale Munaasabada waxaa dadka ka soo qeybgalay maaweelinayey kooxaha fanka, dadka goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday kartida iyo howlkarinimada Maxamed Tiiceey iyo Howshii uu kasoo qabtay Gobolada Dhexe. Mr. Tiiceey ayaa la filayaa inuu dhawaan booqasho ku tago deegaanada Galmudug.