Sawirro: Gudoomiyaha degmada Wadajir oo ku dhaawacmay Qarax ismiidaamin ah

Wararka Maanta

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Weerarka, ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, waxaana uu burbur xooggan u geystay xarrunta degmada. Dadka Qaraxaan ku dhaawacmay waxaa ka mid ah gudoomiyaha degmada Wadajit Cumar Cabdullaahi Xassan.

Dhaawacyada ayaa loo cararay isbitaalada u dhow goobta mashaqadu ka dhacday, 13 dhaawac ayaa la geeyey isbitaalka Somali-Sudanese-ka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

IMG_20170620_143033 IMG_20170620_143029 IMG_20170620_142952

IMG_20170620_142610-1 IMG_20170620_142046 FB_IMG_1497956553821