Muqdisho: Qarax Gaari lagu xiray oo saaka ka dhacay Boondheere

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhow Qarax xoog leh uu ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Xaafadda Maana-boolyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir waxaana ku dhintay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah Shaqaalaha Garoonka magaalada Muqdisho.

Dad goob joogyaal ayaa xaqiijiyay in Qarax uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal-kaan oo magaciisa lgu soo koobau Abuu-shiine lana sheegay in uu ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”

Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Ilaa 2 ruux oo shacab waxaana la sheegay in mid ka mid ah Dhaawiciisa uu halis yahay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka dhintay oo magaciisa lgu soo koobay Abuu-shiine ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray kadibna uu ku qarxay isagoo ka soo baxay gurigiisa.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay in ay halkaasi u xeran tahay oo laga joojiyay Gaadiidka iyo dadka.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay marti gilineysa dilal iyo qaraxyo u badan kuwa gaadiidka lagu xiro, Shacab badan ayaa ku dhintay Caasimadda maalmihii la soo dhaafay waxaana dilkii ugu danbeeyay uu xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir.