Sawirro: Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Lacag gaarsiiyey Bukaanada Jiifa Isbitaalka Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga gurmadka abaaraha degmada Cadaado ayaa shalay deeq lacag ah gaarsiiyey bukaanada uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ku jira isbitaalka guud ee degmada Cadaado.

Lacag gaaraysa 27 milyan oo shilin soomaali ah ayaa la gaarsiiyey bukaanada, guddiga gurmadka abaaraha iyo masuuliyiinta isbitaalka ayaa wadajir u qeybiyey lacagtan 130 bukaan oo isbitaalka jiifa.

Qaar ka mid ah bukaanada ayaa bogsaday waxaana la filayaa in maanta ay ka baxaan isbitaalka.

received_1181896711907849 received_1181897688574418 received_1181899011907619 received_1181897545241099 received_1181897385241115 received_1181901298574057