Faa faahin: Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo socda Sh Hoose

Wararka Maanta

Ciidamada xoogga dalka ayaa saakay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Howgalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii weerar uu ka dhacay deegaanka Tixsiile ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo kan maamulka gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in howlgalka ay ugu golleeyiin sidii ay ugu hortagi lahaayeen weerarada Al-shabaab ay ka geystaan qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro ka geysteen saldhigyo ciidamada xoogga ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.