Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa warbaahinta u aqriyay xukunkii saakay lagu fuliyay ninkii geystay weerarkii ka dhacay taariikhdu marka ay aheyt 26-11-2016 suuqa-beerta ee degmada waabari ee Gobalka Banaadir.
“Taariikhdu Markay ahayd 02/02/2017, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Shabaab C/qaadir Cabdi Xasan 40 jir ah ina Xaliimo Cali Yarow ku dhashay Sh. Hoose, kaasoo Xafiis Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ku soo eedeeyey in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab, kuna qornaa ismiidaamin lana soo qabtay 26/11/2016, isagoo wada gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ujeedkiisuna ahaa inuu isku qarxiyo dadka shacabka ah ee ku ganacsado Suuqa Beerta Degmada waaberi , kadibna ay qabteen Ciidanka Amniga, sidaasna uu ku qarxay gaarigii uu waday, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 30 qofood oo shacab ah 43 kalane ay ku dhaawacmeen .
Taariikhdu ahayd 12/03/2017 dambiile ismiidaamiye shabaab C/qaadir Cabdi Xasan waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Shacabkii ku geeriyooday waararkii qaraxa ahaa ee Suuqa Beerta Degmada Waaberi 26/11/2016.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/05/2017 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.