Faa Faahin: Wiil iyo Aabihiis laga afduubtay Galgaduud

Wararka Maanta

Saacadihii la soo dhaafay ayaa ilaa laba ruux waxaa laga afduubtay degaanka Gal-Qoryaale oo hoos taga Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud,waxaana dadkaasi inay afduubteen lagu eedeeyey Ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay in dadka la afduubtay oo gaaraya ilaa laba lagu kala Magacaabo Maxamed C/raxmaan Xersi iyo Aabbihiis C/raxmaan Xersi Warsame,isla markaana ay Maalmo ka hor Shabaab weydiisteen Xoolo iyo Lagaco balse ay ka Biyo diideen.

Dadka degaanka ayaa iyana waxa ay sheegeen in Labada Nin ee ay  Al-Shabaab kaxaysteen ay ula dhaqaaqeen dhinaca degaanka Ceel-garas ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolkaasi Galgaduud ayaa waxa ay sheegeen in ay ciidamo u direen si dadkaasi Shacabka ah looga soo badbaadiyo Al-Shabaab.