Ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Hayaan qeybta Cadaado ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyey qaar ka mid Naafada ku nool magaalada Cadaado.
Deeqdan raashinka ayay iska soo aruuriyeen ardayda, waxaana maamulaha dugsiga Macalin Sahal ku wareejiyey dalada Naafada Gobolada Dhexe.
Naafada deeqdaan la gaarsiiyey ayaa ka mahad celiyey, waxay sheegeen in ay tahay deeqdii ugu horeysay ee ay heleen xilli abaareedka lagu jiro, iyagoo ka codsaday dadka dhaqaalaha heysta in ay gargaaraan walaalahooda Naafada ah.
Ururka daryeelka Naafada Gobolada Dhexe ayaa xafiis ku leh magaalada Cadaado, wixii deeq ah walaal kala xariir Tel: 0615502522.