Faroole oo ka haray doorashada Soomaaliya

Wararka Maanta

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ahaa 23-ka musharax Madxweyne ee lagu waday in ay berri u ratamaaan xilka Madaxweynaha Somaliya ayaa ku dhawaaqay in uu tartankaas isaga haray.

FB_IMG_1486463505833

Faroole oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,ayaa sababeeyay tanaasulkiisa, waxaana uu sheegay in damaciisa uu soo dhamaaday.

Faroole ayaa yiri “Daruufo jira iyo musharrixiinta oo badan darteed ayaan uga tanaasulay xilkii aan u tartamayay.”.

Faroole waxaa uu intaas ku daray in Musharraxnimadiisa ay maanta ku eg tahay oo uusan ku jirin doorashada la filayo berri.

Xalay waxaa kulan Muqdisho ku wada qaatay Faroole, Sh.Shariif, Gaas, Farmaajo,iyo musharrixiin kale oo badan,kuwaas oo sheegay in ay sameysteen isbaheysi gaar ah oo ka shaqeeya in uusan soo laaban Madaxweynaha uu hadda waqtiga ka dhamaaday.

Horay waxaa tartanka uga haray Eng.Cabdullah Cali Xasan,waxaana berri lagu wadaa in ay tartamaan 22 musharrax haddii aysan ilaa caawa tanasulaad kale iman.