Sawirro: 194 Xildhibaan oo taageeray Xasan Sh. Maxamuud

Wararka Maanta

Kulan lagu taageerayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kulan ayaa waxaa kasoo qeybgalay 194 xildhibaan oo labada aqal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh, C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug iyo Cali Guudlaawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Munaasabadan ayaa waxaa khudbado ka jeediyey dhowr xildhibaan iyagoo sheegay in taageerayaan in Xasan Sheekh Fursad kale la siiyo si uu u dhameystiro howlaha qabyada ah.

Dhankale Madaxweyyne Xasan ayaa ugu mahadceliyey xildhibaanada taageeradooda, isagoona tibaaxay inuu ku shaqeyn doono taladooda haddii dib loo doorto.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheyey in 8 Feberaayo ka dhacdo magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1485757958881 FB_IMG_1485757951684 FB_IMG_1485757945271 FB_IMG_1485757937977 FB_IMG_1485757931853 FB_IMG_1485757928048 FB_IMG_1485757923250 FB_IMG_1485757918983 FB_IMG_1485757914844 FB_IMG_1485757907450 FB_IMG_1485757903253 FB_IMG_1485757899365 FB_IMG_1485757896042 FB_IMG_1485757892508 FB_IMG_1485723275728 FB_IMG_1485723271726 FB_IMG_1485723266368 FB_IMG_1485723253586