Madaxweyne Farmaajo oo IToobiya Tagaya Todobaadkan

Wararka Maanta

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka itoobiya.

Wakaalada oo xiganaysa diblumaasi sare oo u dhashay itoobiya, ayaa sheegtay in booqashadan qaadan doonto 2 maalmood, waxayna bilaaban doontaa maalinta Arbacada 3 May 2017.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka itoobiya, oo ah cadaw soo jireen oo ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, iyadoo xoog ku haysata dhul Soomaali leedahay.

Farmaajo ayaa todobadkan booqasho hal maalin ku tagay Baydhabo, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil itoobiyaan ah, waxaana itoobiya u balanqaaday in ay la shaqeynaso haddii uu xiriir la yeesho itoobiya.

Dhanka kale itoobiya ayaa Soomaaliya u magacowday safiir cusub Jamaaludiin oo ah nin Soomaali ah, oo kasoo jeeda dhulka itoobiya xoogga nooga haysato, ninkaan ayaa maanta waxaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad, taas oo cadeynaysa in dowlada Farmaajo dhulka Soomaali Galbeed u aqoonsatay dhul ay itoobiya leedahay.