Sawiro:Wasiir Juxa oo la kulmay Madax ka socotay UNHCR

Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha Faderalka iyo Dibu Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka Socotay Hay’adda Xuquuqda aadamaha QM ee (UNHCR). oo ay hor ka caysay ku xigeenka Agaasimha (UNHCR)ee Africa Ms: Angele Dikongue.Kulanka  labada dhinac ayaa looga Arimaha Qaxootiga Soomaaliya ee doonaya inay kusoo laabtaan dalka barakacayaasha Gudaha iyo Qaxootiga reer Yeman Yeman ee joga Muqdisho.

Kulanka kadib Wasiir Juxa oo Faa Faahin kooban ka bixiyay Arimha sida goonida ah diiradda loo saaray ayaa yiri”Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay UNHCR Deputy Director for Africa Ms. Angele Dikongue iyo Ms. Caroline, waxaana ka wada hadalnay arrimaha Qaxootiga soo noqonaya,  barakacayaasha iyo qaxootiga Yemen ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaan isla garanay dardargelinta hawlaha aan ka wadahadalnay iyo guud ahaan arrimaha taagan ee qaxootiga iyo barakacayaasha dalka.

Kulankaan iyo Kulamo lamida ah ayaa inta badan Muqdisho ka dhaca waxayna yimaadan Xili Xeryo badan oo Muqdisho iyo Gobolada dalka Barakacayaasha ku sugani Wajahayaan Xaalad adag oo xaga Nolosha ah.

Hook Ka Daawo Sawirada

Ceelhuuronline