Madaxda Xamar joogta waxey askartooda kula dar daarmeen qofkii aad ka shakisaan dila

Wararka Maanta

Dilalka ay fuliyaan ilaalada madaxda ayaa kusoo badanaya Muqdisho, goor walba ayey dhacdaa in gaadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta Dowladda ay shacab jiiraan ama toogtaan.

Mararka qaar madaxda dhexdeeda ayaa is toogata waana meesha lagu ogaado sababta ay mar walba u dhibaateeyaan shacabka.

Markii askarta nin masuul ah ay disho masuul kale waxa ugu horeeya ee masuulka eedeysan uu saxaafadda u sheego ayaa noqda “Askarteyda ayaa ka shakiyay sidaas ayeyna xabadaha ugu fureen”

Yaa baneeyay in cid walba oo laga shakiyo la dilo ?, Diin ahaan ma banaana sidoo kale dastuurka Somalia wuxuu sheegaya inaan qofna la dili karin bilaa maxkamad taas oo ka dhigan in xitaa kuwa Al Shabaabka ka tirsan aan la dili karin hadii laga shakiyo ilaa ay maxkamadi xukunto.

Markii shacabka sidaan loo dilo qeexitaankan lama helo laakiin waxaa halkaan ku cad in ilaaladda madaxdu ay qabaan hal dar daaran oo ah “dila wixii aad ka shakisaan aniga ayaa ka jawaabaye”.

Dhowr bilood ka hor sheekadda waa ka shakinay waxaa lagu dilay Wasiir Cabaas Siraaji oo ay toogteen ilaaladda hanti dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax, maanta oo ah 22/11/2017 ilaaladda Xildhibaan Abuukate oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa toogtay Xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ka tirsana Baarlamanka Gal-Mudug kadib markii ay gaarigiisa ka shakiyeen sidda uu xildhibaan Abuukate saxaafadda u sheegay.

Waxaa jira shacab badan oo waa ka shakinay lagu dilay waqtiyo kala duwan la iskumana qabsan ama si hoose ayaa looga xaalay, micnaha laga fahmi karo halkaan waa iney madaxda askartooda siiyeen amarka kor ku xusan oo ah iney dilaan cidii ay ka shakiyaan intii isaga ay wax soo gaari lahaayeen.

Falkan guracan kadib waxaa badi la ciqaabaa askartii fulisay amarkii uu masuulku bixiyay laakiin wax weyn looma geysto masuuliyiinta bixisay amaradda nuucaan ah, ugu badnaan xilka ayaa laga qaadaa.

Waxaa la joogaa xiliga madaxda sare ee Dalka ay go’aan ka soo saari laheyd dhaqanka nuucaan ah si aaney u dhicin masuuliyiin sar sare oo waa ka shakinay lagu dilo.

Waxaa kaloo Dowladda Somalia hortaala sidii laga yeeli lahaa xildhibaan Abuukate oo ay maanta ciidankiisu dileen Xildhibaan Madoobe.

Wararka Muqdisho laga helaayo caawa ayaa sheegaya iney kulan gaar ah lee yihiin odayaasha iyo xildhibaanadda marxuum Xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed kaas oo ay kaga arinsanaya sidii ay xukun cadaalad ah ugu heli lahaayeen falkaan foosha xun, sidoo kale Senetor Dhageey Geele Ugaas oo ay xildhibaanka dhintay qaraabo yihiin oo arintaan ka hadlay wuxuu ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah oo cidii geysatana aan looga hari doonin.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com