Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay September 25, waxa uu ku sheegay in dalkiisu heshiis la galay dalalka Soomaaliya iyo Masar, kadib wadahadal ay la sameeyeen dowladda Mareykanka si looga dhiso Magaalada Berbera ee waqooyi galbeed Soomaaliya dekad ganacsi midda ugu weyn dunida.
Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhow gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.
Berbera waxaa Maamula Maamulka Somaliland oo sheegta inuu gebi ahaan ka go’ay Soomaaliya, balse dunidu ay u taqaan Maamul hoosaad ka tirsan dalka Soomaaliya.
Maamulka Somaliland iyo Shirkadda Dekedaha caalamiga ee Dubai ee loo yaqaan DP World ayaa bishii May, 2016 ku kala saxiixdeen Magaalada Dubai mashruuc wadaag ah oo ku baxeysa lacag dhan $422 Million USD oo dib loogu dhisayo dekadda Berbera, ayna ku maamuleyso shirkaddaasi muddo dhan 30 sano.
Heshiiska Somaliland ay la gashay DP World oo ay iska dhega tireen Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud, Ra’iisul wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye Cumar inay cadeeyaan mowqifka rasmiga ah ee dowladda ayaa mar qura lagu soo baraarugay socdaal shaki dhaliyay oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ku tagay Magaalada Abu dhabi, kulana kulmay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Lama shaacin waxa laga wada hadlay kulankaasi shakiga dhaliyay ee qabsoomay August 23, ee qaab qaabilidda Madaxweynaha ay u ekeyd wax hareer marsan hannaanka lagu yaqaan diblomaasiyadda iyo hab maamuuska, balse sawirada laga qaaday fadhigaasi uu ka tarjumayay in gorgortan hoose la galayay.
Dad badan oo u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in damaca waalan ee Isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay mid halis siyaasadeed iyo dhaqaalle gelinaya mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya, lana mid noqon doono mid la mid ah caqabadaha ka soo banbaxay heshiiskii iskaashiga ee Kenya lala saxiixday 2009 ee sabab u noqday in muran la geliyo xuduud badeedka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, iyadoo dhowaan Dowladda Soomaaliya ay hordhigtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ” Hague” feylka ku saabsan arrintaasi, labada dalna ay aragtiyo iska horjeeda kala dhiibteen.
Isla September 25, waxaa Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo baxay War saxaafadeed ku qornaa luqadda “ English” oo uu ku sheegay in haddii dib loo doorto uu ka shaqeyn doono xoojinta waxa uu ugu yeeray xiriirka istiraatiijiyadeed ee dowladdiisu la leedahay Isutagga Imaaraat-ka Carabta.
Sida heshiiska Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay la gaartay Soomaaliya, waxa uu qeexayaa in Imaaraat-ku ay ka aas’aasi doonaan dekad ganacsi xeebaha Soomaaliya oo kaalin muhiim ka cayaari doonta ganacsiga caalamiga ah.
Fulinta heshiiskaasi , waxa uu ka qeyb qaadan doonaa xoojinta ammaanka marin biyoodka “ Baab Almandab”, halkaasi oo dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dooneyso inay ka sameysato saldhig milatari oo dhanka badda ah .
Waxaa la tilmaamay in fulinta heshiiskan uu ka hor’imaanayo Istiraatiijiyadda Sacuudiga iyo siyaasadeeda ku aadan Marin biyoodka “Baab Almandab”, taasi oo aaney marna ogolaan doonin Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia in Dowladdu Imaaraat-ku maamusho marin biyoodkaasi muhiim-ka ah.
Waxaa sidoo kale, arrinkan diidmo kala hor’imaan kara wadamada Djibouti, China iyo Ethiopia.
Djibouti iyo Ethiopia waxaa ka dhaxeeya heshiisyo ganacsi iyo mid milatari, waxaana labada dal ay ka heleen taageero dowladda China oo u dhistay khad tareen oo isku xira Magaalooyinka Addis Ababa iyo Djibouti , si la mid ah Ethiopia waxa ay saanadeeda milatari , raashiin iyo agabyada kale oo ay ku jirto gaadiidka iyo qalabka elektaroonikada ay kala soo degtaa Dekadda Djibouti oo si casri ah dowladda China ay u dhistay markii dekaddaasi laga ceyriyay Shirkadda DP World oo hore u maamuli jirtay, halka Djibouti iyo Imaaraat-ka xiriirkooda diblomaasiyadeed muddo gaaban noqday mid mugdi galay.

Comments are closed.