Xildhibaan hore oo saaka lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray C.Qaadir Qaasim Mursal Hadana ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiye Jawaari ayaa goordhow dabley hubeysan ku dishay xaafadda Ceel dheer ee degmada Dharkeynleey.

kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

C.Qaadir Qaasim Mursal ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan , waxaana sanadyadii dambe uu ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kadib doorashadii Madaxweynaha cusub Farmaajo waxaa sara u kacay dilalka Qorsheysan oo Muqdisho loogu geysanayo waxgaradka Soomaaliyeed.