Sarkaal xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka Maanta

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,Kooxo hubaysan ayaa xalay waxa ay Magaaladaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Sarkaalkaan ayaa la dilay, xilli uu ku sii jeeday xaafadiisa, uuna ka tagay xerada Inji ee Magaalada Gaalkacyo sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Qaleey Yuusuf, ayaa wuxuu taliye ka ahaa Xerada Ciidamada Inji ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo ka tirsan Puntland.

Dadkii ka dambeeyay dilka Sarkaalkaan, ayaa durbadiiba meesha ka baxsaday, waxaana wararka ay sheegayaan in kooxaha dilka gaystay wajiyada u duubnaa.

Ciidamada Puntland oo dilka kadib tagay goobta, ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano aan cidna lagu soo qaban.