Golaha Wasiirada Cusub Ee Hir-Shabeelle Oo Goordhow La Ansixiyay

Wararka Maanta

Mudanayaasha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee hir-Shabeelle.

Kulanka ayaa waxaa xaadir ahaa 79 xildhibaan,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada 77 ayaa ogolaatay ansixinta halka laba ay ku aamustay.

Gudoonka Golaha Shacabka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ay ansax tahay ansixinta Golaha Wasiirada Cusub ee Hir-Shabeelle.

Xalay ayaa waxaa Madaxweyne Waare uu Jowhar kula kulmay inta badan xildhibaanada kadib markii ay ka biyo diidsanaayeen qaabka uu u soo Magacaabay Golaha Wasiirada balse ay ugu dambeyn ansixiyeen.

29 Bishii November ee Sanadkaan ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare Magacaabay Golihiisa Wasiirada, waxaana wixii ka dambeeyay xiligaas uu waday dadaalo uu ku doonayay in lagu ansixiyo maadaama ay cabasho ka timid Xildhibaanada qaarkood halka Wasiir ku xigeeno ay is casileen.

Xigasho: Radio Dalsan