Saraakiisha xoogga oo sheegay inay howlgal ku dileen Sarkaal ka tirsan Shabaabq

Wararka Maanta

Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa waxa ay sheegeen in uu ahaa mid amni xaqiijin ah,isla markaana ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen,waxaana deegaanada howlgalka laga sameeyay ka mid ahaa,Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo Ururka Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in sarkaalkaas uu caanka ahaa deegaanada Gobolka Bakool,sidoo kalena uu lacago ay u yaqaanaan Zakawaadka uu ka qaadi jiray dadlka kunool deegaanada ay howlgalka ciidamadu ka fuliyeen.

Taliyuhu ma shaacin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray intii ay howlgalka wadeen,waxaana sidoo kale dagaalka labada dhinac dhexmaray iyo sheegashada saraakiisha ciidamada inay dileen sarkaalka tirsan Shabaab aysan weli dhankooda ka hadlin Al-Shabaab.