Saraakiil sar sare oo Al-Shabaab ah oo gaaray Gobolka Gedo

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano ka tirsan gobolkaas, iyadoo diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya la soo sheegayo inay dul heehaabayaan deegaanadaas.

Dagaalyahanada Shabaabka ee gaaray Gedo ayaa la sheegayaa inay ku dhowaad labo kun oo dagaalyahan oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana tani dadka deegaanka ay ku dhalisay cabsi iyo shaki badan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada ay gaareen dagaalyahanada ay ka mid yihiin Ceel Cadde iyo deegaano kale oo hoos taga Garbahaarey oo leh dhul buuraley ah.

Dagaalyahanadan oo ka yimid dhanka Gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxaa la sheegayaa inay wehliyaan saraakiil sar sare, waxaana dadka deegaanka isla dhex marayaan inuu jiro Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Lama soo sheegin illaa iyo hada wax duqeyn ah oo ka dhacday deegaanada ay diyaaradaha dulheehaabayaan, waxaana jirta cabsi laga qabo in duqeymo dhacaan. Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa leh dhul buuraley ah oo istiraatiiji ah, isla markaana lagu dhuuman karo.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka baxsanayay duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka geysanayayeen deegaano ka tirsan Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka