SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran!

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran!

Duul madax FALLUUQ qaba, marka ay talinayaan, waxaad ka garataa duulduulka iyo is diidka talooyinkooda maamul. Hawtulhamagnimo! “Hal nin gurran dheelmay dhanna u ma roona!” waxaa la mid ah dadweynaha Muqdisho, oo hadba mid madax falluuq qaba ama maangaab ah, haddii uusanba MUHDI ahayn uu u taliyo. Soo dadkaasi maahan marka dad u dhexeeya GOCOR iyo GAFANE dhiiggooda miirta?!

Shalay waxay u dhexeeyeen Afweyne iyo kacaandiidnimo, waxaa u xigay qabqable iyo mooryaan, waxaa ku sii xigsaday wadaaddo iyo argagixiso la dirir, waxaa ugu sii xigsaday Alshabaab iyo dawlado fadhiid ah, haddana waxay maraysaa, in dhawr nin, oo dibadda ka soo laabtay suudadna xiran, ayey ayaankooda, ayaahamahooda iyo aayahooda ku ciyaaraan. Maalin walba iyo wareegto wareersan. Haa raalli ahaada waan is ka ciyaaraynnay!

Wareegtooyinka wareersan waxaa ugu dambaysay midda ku saabsan baadda ay Shabaab ka qaaddo ganacsatada Muqdisho, oo ay Shabaab ku sheegaan SAKO, nimannkanSUUDLEYDA ahna ku sheegeen, in ay tahay DAMBI lagu ciqaabi doono qof walba oo lagu helo! Cabsi iyo bajin! Hayaay! Waa aragti GURRACAN, oo aan garasho iyo garaad midna ku fadhin, aan ka ahayn iga gaarsii. Sabab? I la arag.

Wareegtada dhami waxay isugu jirtay amarro, gooddis, bajin iyo handadaad. Dhaqan shabaabeed la dawladeeyay, oo ay ka marneed keliya aayadihii iyo axaadiisyo boojeedkii Shabaabku ku maldihi jireen jirrinimadooda. Wareegtadu waxay ka koobneed toddobo qodob, oo lagu soo koobi karo; aqoonsi, taageero, deeqsiin, kaydin ama u fududayn iyo u tagid Shabaab.

Waxaa marag ma doonto ah, in Aadanaha dadka ay ugu gacan adag, uguna wax bixin liita ay yihiin HANTIIYALAASHA iyo GACANSTADA lacagta iyo dhaqaalaha haysta, inyar oo damiir iyo dadnimo leh ma ahane, marka dhawrkan nin ee wareersan, ma ogyihiin tan, mise, isweydiiyeen, nin Xamar jooga, oo dhaqaalahan ku tacbay qaxar iyo qarax dhexdood, lacag SAKO ku sheegan oo aan nacfi iyo faa’iido uga soo laabanayn, in uu ka bixiyaa, in ay ku adag tahay ka sokow, ma tahay wax ka suuragasha? Haa sabab? Maya sabab? Wuxuu yiri abwaan Faarax Nuur:

 

“Haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane

Waaryaadha ka la quusannaye qoomamo la’aada.”

 

Ujeedka tuducyadani ma moodaa, inay maantadan ka warramayaan? Alshabaab iney baad qaadato waxaa u fududeeyey ninka ka ciidanka badan kana cududda roon, ee aan awoodin inuu la dagaallamo kana sifeeyo dalka, haddana doonaya sidii geed quraanyo leh, inuu dadka ku carshacarsheeyo oo maalina yiraahdo, hubka dhiga, maalina yiraahdo, sakada joojiya? Hadda ninka sidaa lihi wuxuu ammaanka iyo sirta dowladda u dhiibtey Sakariye Xaaji ismaaciil: madaxii Sirdoonka Shabaab.

Dowladdu maxay wareegto uga soo saari weyday, in aan qof dhagarqabe ah, oo dadka iyo dalka dambiyo dagaal ka galay, dad aan waxba galabsan gumaaday, in aan xil umadeed loo dhiibin laguna maamuusin? Ninka Alshabaab sirtiisa iyo taladiisa u dhiibtey, miyaa ina leh sakada ha siinnina? Yaab iyo la ma arag iga dheh!

Sir ma ahayn, in Shabaab ay sako ka qaaddo ganacsatada magaalada Muqdisho, oo meeqo mar ayaad maqashay, in hotel hebel ama mehered heblaayo loo qarxiyey, ka dib markii Shabaab aan laga siin baadda (leejada)? Ciiddaan ka badan, haddana, Shabaab ganacsatada dhaqaalaha siiya waxay isugu jiraan labo; (1) kuwa qasab ku siiya, oo handadaad iyo cagajuglayn la kulmay ama diidmo ka dib, goobtii ganacsiga laga qarxiyey ama la dilay qof ay xigto yihiin isaga oo la xanuujinayo. Qofkaa wuxuu Shabaab leejada u siiyaa waa baqdin iyo cabsi uu ka qabo, ee u ma siin taageero. Ka muhimsane, wuxuu baadda u siiyaa waa in uu is ku dhawro, kuna ilaashado hantidiisa inta uu ku badbaadin karo. (2) Kuwa qanac iyo taageero ku siiya, oo ku aragti iyo iimaan ah. Waxay la dhacsan yihiin falalkooda iyo fahamkooda nololeed, oo waxay u arkaan badbaada saxda, ee dariiqa janno lagu gaaro iyo wixii maalinta dambe dhimman. Labada la falgal, kan dambe hadda aad ayuu u yaraaday, oo dhibka ku batay iyo gacan adaygga ganacsadaha ayaa isugu darsooontay.

Marka qofka aan taageero u hayn, haddana dhib hore uga la kulmay, ee dani ku qasabtay, uu Shabaab siiyo sako ku sheeg, maxaa xalkiisu noqday? Ma aragtida gurracan iyo silaca suudlayaasha ayaa loo daayey? Horta nin aan waligii hanti tacbin, noloshiina aan wax ku soo kordhin marka laga reebo, in sabada reernimada uu xilal ku qabtay, muxuu ka ogyahay duraafaha iyo caqabadaha dhaqaalahan lagu sameeyey ama lagu abuuray? Wasiirka amniga waxaa igu maqal ah, in uu hantiile yahay, marka maxaa qaaday? Ma illoobay qatarta ay ganacsatu ku ganacsadaan?.

Qof aan Xamar joogin intii u dhaxaysay 2006-2010 ama aan mar tegin sanadihii jihaadka iyo jannada, dhanka kalana xerta Xabshida, ma garan karo waxa ganacsatani dhib ay soo mareen iyo waxa ay qatar iyo qarax u soo joogeen inta ku nool cawosamaan iyo nasiib, marka in ay maanta wareegto wareersan soo saaraan waxay ku tusinaysaa heerkooda garasho iyo marnaantooda ogaal.

Baadda laga qaado qof aad ka itaal roon tahay, waa wax dunida dhan ka jira, oo ma ahan wax ku kooban Muqdisho. Dawlado ayaa laga qaadaa baad, shirkado ayaa bixiya leejada, maamullo ayaa madaxfurashada dhiiba, marka ay noqoto nafhurto iyo ku ma dhaaftaan. Marka weydiinta ugu muhimsan sheekadu waa in gacansato ay Shabaab siiyaan Sako maxaa u sabab ah? Hal arrin; NABAD LA’AAN! Yey eheed, in ay nabadda sugaan? Nimankan SUUDLEYDA ah, ee u gooddinaya ganacsatada hantidooda iyo heddooda badbaasanaya. Anigu waxaan qabaa, wax walba, oo lagu badbaadin karo ama lagu dhawri karo hed iyo hanti, in aan looga hibaysan hanfade ama hacoo aan halna hayn, berri markii xilka laga qaadana dib ugu laabandoona hoy shisheeye iyo hool aan ganacsi ool!

Ka warran qof gaabiskiisa WAXQABAD qofkii uu ka gaabiyey ugu guhaadinaya? Waxaa la mida dhaqanka SUUDLEYDAN ganacsatada ku haysata maxaad Shabaab sako ku sheeg u siisaan, ka dib markii ay sugi waayeen amniga ganacsatada? Saw waalli dhaqanta ma ahan iyo wareer? Horta nimankan madaxda sheeganaya, ma kafaalaqaadi karaan amniga bulshada guud ahaan, gaar ahaan ganacsatada? Hubaal, maya, haddaa maxay ka rabaan, qof ammaankiisa ku sugaya, shilimaad uu siiyey koox burcad ah, oo uu ogyahay, in ay xoog uga qaadanayaa?.

Ka muhimsane, horta nimankan SUUDLEYDA ah, ee aan ammaankooda sugi karin, ma sugi karaan ammaan bulsho iyo magaalo? nimankan SUUDLEYDA ah, haddii ay magaalada ka deggan yihiin hotello ay ku horyaallaan carrotuuryo laamiga dhinac ka goostay, labo gaari oo tikniko ahna ay waardiyeynayso, labaatameeyo dhallinayada ay hareeraha laamiga u tuban yihiin, oo qarashka ku baxa uu bixiyo ninkaa ganacsada ah, sidee ugu diidi karaa, in ganacsaduhu uu maalkiisa iyo naftiisa waardiyeysto, koley ku tahay, in uu Shabaab sako xaaraan ah siiyo? Ku darsoo, marka ay laamiyada iyo waddooyinka marayaan, waxay ku jiraan, oo ku socdaan baabuur qaflifan, oo aan xabbaddu karin iyo ciidamado dabayaacaya, oo faraha badan, una xilsaaran ilaaladooda, marka saw ma ahayn, in ay is ka dhigaan, oo magaalada ku maraan baabuur caadi ah, bal in sako Shabaab dhaafto iyo in kale?.

Jidcadde la xiro iyo laami la gooyo keliya amni iyo xasillooni ku ma yimaadaan, ee mid waxaan filaa, in ay caddahay, qaraxyada Muqdisho ka dhaca boqolkiiba sagaashan iyo ka badan waxaa laga soo abaabulaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo jidkaa dheer ee Afgooye ka yimaad, marka inta la xannibi lahaa isu socodka dadka iyo magaalada waxay igu la qumman, in kasta oo aanan qofni amni ahayn, in jidkaa waxa ka imaanaya xoogga la saaro iyo siiba gobolkaa. Hadda oon faalladan qorayo, waxaa go’an adeegga farriin wareedka wakaaladda wararka dalka ee SONNA oo lagu gooyey amar Shabaab!

Ogow, is la gobolka kale, ee dariska ah caasimadda ee Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taliya qaybo ka mid ah Shabaab, haddana, qaraxyo ka ma  dhacaan mana ka yimaadaan, haddana ku ma taal, Tooro Toorow, oo ah meesha loo dirayo ganacsatada, oo u dhaxaysa degmooyinka Qoryeelay iyo Afgooye, balse, u dhow Qoryooleey, si ay leejada ugu baxshaan, marka labadaa gobol, oo aan laga sifayn Alshabaab, waxba ammaanka laga ma qaban, caasimadduna amni buuxda ma haysato, mar walbana waxay halis ugu jirtaa, in qaraxyo iyo wareerro hubaysan ka dhacaan, maxaa yeelay, halka ay ka yimaadaan ee laga soo maleego way caddahay, ee maxaan loo abbaarin?.

Mid kale, oo ka muhimsan aan idiin sheego mid kalana aan idiin raaciyo. Degaannada Shabaabku ka taliyaan waa ka ammaan badan yihiin degaannada dawladdu ka taliso. Dabcan, degaannada Shabaabka cabburis iyo ciriirin xooggan ayaa ka jirta, ayna sii dheer tahay gabdhaha guurka lagu qasbayo, halka dhinaca dawladduna aysan ka dhawmo yarayn, muhimadduse waa marka ay amni timaad iyo nabad, in ay Shabaab ku fiican yihiin. Midda kale, oo iyaga mudan xusiddu waa in dacwadaha guryaha iyo milkiyadaha ay dad badan doorbidaan, in ay ku ka la baxaan garsoorka Shabaab, maxaa yeelay, waxay ka garsan yihiin, oo ku saleeyaan eex iyo laaluush la’aan, halka dhanka dawladda wixii kaa gala aad ku dhammaysan karto kaliya musumaasuq iyo wax is dabamarin. Shilimaad. Weli ma is waydiiseen, musuqmaasuq ayaa la la dagaalayaa ayey idin leeyihiine, sida ay ku suuragalee, marka agaasime uu mushaarkiisu yahay celcelis kun iyo labo boqol dollar, uu habeen walba seexdo hotel saddax kun oo dollar bishii laga rabo inuu bixiyo?!

Bixinta sako ku sheegta Shabaab oo halmar ah waxaad ku helaysaa, in hantidaada iyo heddaada ay kuu nabadgeliyaan, oo qarax, ciriirin iyo cagajuglayn aad badbaaddo, balse, canshuurta SUUDLUHU qaado, ee joogtada ah, maxaa lagu helaa? Amni ma lagu haystaa? Adeeg caafimaad ma lagu helaa? Adeeg waxbarasho ma lagu hammiyaa? Dhismayaal waddooyin iyo degaan qurxin ma lagu habeeyaa? Maamul iyo maarayn ma lagu hormarshaa? Deeq shisheeye iyo ka ma hadal bixinta ganacsatada, ee waxaan ka hadlaa wixii canshuur ahaan ay dawladdu u qaaddo. Is ku laabo.

Tallaabadan cusub ee Shabaabku ku dalbanayaan, in ganacsato saka ku sheeg ku baxshaan Tooro Toorow waxay caddayn u tahay culayska amni ee ay magaalada ku hayaan iyo waliba is ku muujinta siyaasadeed ayna u diyaarayaan dawladda, AMISOM iyo dunida Xalane deggan, ee ay leeyihin, qofkii aaminsanaa, in aan dhimannay ama in laga taqallusay, ha ogaado, in aan magaalada Muqdisho wax ka maamulno, waliba Sakwadaad iyo taakulayn mujaahidiin aan ka qaadno! Aragtida SUUDLEYDU waxay noqotay, in ay sii ciqaabaan ganacsatadii ewelba dhibbaneed, halka ay eheed, in ay keenaan xal iyo xeelad nimankan looga qataallayso!

Waxaa ii muuqatay xeelad wanaagsan oo baadda ay ganacsatadu siiyaan shabaab looga faa’idaysan karay, balse, la garabmaray, anoon qof amni ahayn. Wixii ishu soo aragtay warinteed gacan weyn ayey gaysan kartaa dabagalka Shabaab. Nimanku lacagta baadda ah qaab gacan saar ah ayey badi u qaataan, ee bank iyo hab danabeed u ma qaataan, walibana meel gaar ah oo cayiman ayey seka ku sheegtaas sharwadeyaashu ku qaataan “Tooratoorow”, waana dad wajiyadooda iyo abtiriskooda la wada yaqaan, gaar ahaan waa qasab, in ganacsatada badankoodu ay qaar badan ka yaqaannaan nimankaan sida joogtada ah u baada.

Markaa anoo aan xeeladahaas bannaanka wada keenaynin maadaama laga yaabo, in berri ka maalin si dhab ah is la xeeladahaas loogu baahdo, ayaan haddana inta fahmi karta dusha uga xanteeyey. Haddii ay cadaalad, caqli iyo daacadnimo jirto waxaa muuqda dhawr hab oo ayadoo ganacsada la garabsanayo loo la dagaallami karo Alshabaabka ee malaha waan loo socon, in garashaxumo jirtana waa wax aad u macquul ah oo dhici kara.

Mid kale, oo gar Islaan ah aan ku daro, oo runtii dood in badan aan maqlay ah. Ganacsatadan labada dab u dhaxaysa, ee sakada (baadda) Shabaab iyo canshuurka (biilka)dawladda u dhaxaysa, waxay u badan yihiin beelaha HAWIYE, oo halkaa lacagtoodii iyo dhaqaalahoodii isugu geeyey, iyagoon degaan kale iyo dad waxba uga deeqin, is ka daa maamul iyo maarayn, in ay ku xoojiyaane, marka way ku habbooneed, in la helo wax kadeeda galiya oo kurbo iyo ku rida karkabo!

U dowladee si uu u dareemo inaad ka darajo sarreyso. Wareegto ku soo saar, si uusan waxba kaaga weydiin waxqabadkaaga. Hubka ka dhig, si aad u handadi karto una hadimeyn karto. Dhac oo boob, hadduu ka dhiidhiyana, dhiillo kale dhabarka u saar. Dhammaan halkudhegyadani waa kuwa SUUDLEYDA ay ku rabaan, in ay ku taajiraan maalmo, oo ay yeeshaan hanti aysan weligood hore u yeelan. Haddaba is weydiintu waxay tahay, ganacsatada ma ka gilgilan doonaan gafanayaasha doonaya, in shilimaadkooda ku naaxaan, mise, waa is ka goohi doonaan una gunuunuci doonaan, iyagoon garan qaab iyo qorshe ay naftooda iyo hantidooda ku badbaadshaan!

Is ku soo wada duubee, ujeedka wareegtadan waxay i la tahay, in looga dan leeyahay, in sida Shabaab looga qaado baad dheeraad ah ganacsatada ama in lagu boobo hantidooda, iyadoo la leeyahay waa dawlad-diid, oo wuxuu taageeraa Alshabaab. Waa dhaqankii kacaanka uu u ku dhaqmi jiray, marka uu doonayo, in uu la wareego hanti guurto ama ma guurto ah, oo ay leeyihiin dad la doonayo, in la dhaco, marka waa is la ubixii kacaanka kuwa maanta aragtidan gurracan la meehannaabaya, maxaa yeelay, qaramayn (dhac) hanti dadweyn iyo waxay ku indha qaadeen, boob dhaqaale dad kale kuna indha fureen!

 

F.G: taageero SHABAAB iga ma ahan, oo SUUDLEYDAN, oon cidna aqoon ayaan halgan iyo ku la jiray hal adayg SHABAAB, balse, aragtida gurracan, ee bulshada lagu harawsanyo, ayaan waxba dhaaminSHABAABNIMO!

NAXLI IYO NUXUUS!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/