Sadio Mane Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiicnaa Premier League Bishii August

Ciyaaraha

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiicnaa Premier League bishii August ka dib markii uu si wacan ugu bilowday xilli ciyaareedka 2017-18.

25 jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah seddexda kulan ee horyaalka ee Reds, waxaana uu sidoo kale hogaamie u yahay xiddiga heerka caalami ee xulka Senegal, iyagoo 2-2 la galay Burkina Faso bartamihii Isbuucan.

Mane ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay xilli ciyaareedkan ee Liverpool kulankii ay barbaraha 3-3 la galeen Watford ee ka dhacay Vicarage Road, ka hor inta uusan goolka guusha u dhalin kulankii Crystal Palace.

Ka dib mar kale shabaqa soo taabtay islamarkaana loo magacaabay xidiga kulanka markii ay 4-0 ay kaga badiyeen Arsenal kulankii Anfield.

Mane ayaa kaga guuleystay abaalmarintan xiddiga Manchester United Phil Jones, Romelu Lukaku iyo Henrikh Mkhitaryan, Alvaro Morata, goolhayaha Huddersfield Town Jonas Lossl iyo saaxiibkiisa Liverpool Mohamed Salah.

Waa markii ugu horreysay ee Mane uu ku guuleysto abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League tan iyo markii uu uga soo biiray kooxda reer Austria ee Red Bull Salzburg 2014.

W/Q Hafsa haji