Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ayaa sheegaya in Sactar Siday Qalabka dayactirka wadooyinka iyo shidaal uu ku dagay xalay xeebta deegaanka Daamcad oo ku dhow Hobyo, Sactarkaan ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho waxaana uu ku socday magaalada Hobyo.
Sactarkaan ayaa waxaa iska lahaa ganacsato Galmudug, waxaana Qalabka uu waday oo u badnaa birta culus ee looga shaqeeyo wadooyinka iyo garoomada diyaaradaha, ayaa waxaa laga lahaa magaalada Cadaado iyo Hobyo.
Ciidamada Badda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan shaqaalihii sactarka oo xiriir lasoo sameeyey, Hanti uu la dagay ayaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 1 Milyan oo dollar. Waa markii labaad oo doon ku soo jeeda degmada Hobyo ay degto, halkaas oo khasaare kasoo gaaray ganacsatada Galmudug.