Talyaaniga oo la noqday mashruuc ay soo dalban weysay Somalia

Wararka Maanta

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dib ula noqotay mashruuc seddex geesood ah oo u dhaxeeyay, Talyaaniga, Dowladda Federaalka, iyo Hay’adda QM ee Beeraha iyo Cuntada ee FIO, mashruucaasi oo ku kacayay dhaqaale gaaraya 6 Milyan oo doolar oo biyo xireenno looga sameyn lahaa magaalada Baladweyne kadib markii sanadkii hore uu fatahay Webiga Shabeelle.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in markii muddo sanad ah ay ka warsugaysay in loo soo gudbiyo nooca mashruuca uu noqonayo isla markaana ay ka warsugaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya sidaas darraadeedna ay dib ula noqotay lacagtaasi.

Talyaaniga ayaa sanadkii hore markii uu fatahay Webiga Shabeelle Soomaaliya ugu deeqay adduun gaaraya 6 milyan oo doolar, si loogu sameeyo biyo xereenno aagga Hiiraan ah si looga hortago fatahaadyo kale oo uu sameeyo Webiga Shabeelle.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo u warramay VOA ayaa sheegay in dhaqaalahaasi dowladda Talyaaniga aysan la noqon isla markaana uu mashruucaasi uu halkiisii yaallo, waxaa uu sheegay in markii hore uu ahaa is faham oo ayssn kirin heshiis ay labada dowladood kala saxiixdeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu mar kale sameeyay fatahaadyo ka saameyn badan sanadkii hore, haseyeeshee sida uu Wasiirka Beeraha sheegay in mashruucaasi haddii labada dowladood isla qaabeeyaan uu wax badan ka beddeli doono soo noq noqoshada fatahaadda Webiga Shabeelle.