R/Wasaaraha Soomaaliya oo maanta imaanaya Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal waxaa la filayaa in goordhow uu Cadaado soo gaaraan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Mudane Cumar C/rashiid cali sharmaake iyo wafdi uu hogaaminaayo, qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socota Magaalada.

Ujeedada safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa salka ku haysa daminta Colaada ka dhex aloosan Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku dagaalamaya Magaalada Galkacyo, waxaana labadan maamul horey heshiis uga gaareen dagaalkii sanadkii hore dhexmaray, inkastoo uusan hirgalin heshiiskaan. Galkacyo ayaa ah Magaalo ay shacabkeeda dhibaato ku qabaan labada maamul ee magaalada gacanta ku hayo.

Maamulka Puntland ayaa eedeyn ujeediyey in dowlada federaalka, eedeyntaas oo ah in ay soo hubeynayaan Maamulka Galmudug, dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa iyana sheegay in lagu soo qaaday duulaan saddex geesood ah.

Comments are closed.