RW xasan cali khayre oo dhuusamareeb ku wajahan

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto magaalada.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay inay dhowr arrimood la xiriirto, sida fulinta heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusuna iyo furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo la filayo in 48 saac ee soo socda ka furmo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muddo bil ah ku sugnaa Dhuusamareeb, isagoo ka waday dadaalada la xiriira dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxaana uu safaro ku maray deegaanada Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada gaaray dhammaan ergooyinkii matalayay deegaanada Galmudug ee ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray Ciidamo isugu jiray Booliska gaarka ah oo diyaarado looga qaaday Muqdisho iyo Ciidamo AMISOM oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ka yimid magaalada Beledweyne.