Madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa ka maqan magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal ayaa safar uga maqan Magaalada Cadaado, waxaana tani ka dhigan tahay in ay jirto marnaan xagga hoggaanka maamulka ah.
Arintaan ayaa waxaa aad u hadalhaya Bulshada Galmudug iyo xildhibaanada Barlamaanka, oo qaarkood sheegeen in ay arintan kula xisaabtamayaan Madaxda sare Galmudug.
Madaxweyne Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho u jooga shirka madasha wadatashiga Qaran ee Xamar ka socda, halka Gudoomiyaha Barlamaanku ku maqan yahay fasax, madaxweyne ku xigeenka ayaa galabta u safray magaalada Muqdisho, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.