Banaan baxyo looga soo horjeedo xariga wasiir janan oo kasocda jubooyinka

Wararka Maanta

Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ay dhigayaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan xariga ay dowladda Federaalka Soomalaiya u geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan)

Shalay ayaa banaanbaxyo waxaa ay ka dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo,waxana si la mid ah Maanta ay ka dhaceen Deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa horay waxaa ay u sheegeen in qaab afduub ah loo heysto Wasiirka Amniga Maamulkaas,iyada oo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ay sheegeen in Cabdirashiid Janan uu galay dambiyo kala duwan,isla markaana baaritaano ay ku socdaan.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.