Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax xoogan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sos iyo Ex-Control Balcad ee Degmada Heliwaa, Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Gaariga oo ah midka yar ee nooca raaxadda, ayaa lagu soo waramayaa laba qof oo la socday in gabi ahaanba ay ku dhaawacmeen, halka uu bur buray gaarigii qaraxa lala eegtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya dadka watay gaarigaasi inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Minashiibiyada kuwa qaada lacagta canshuurta ee u shaqeeya Dowladda hoose, inkastoo aanan la xaqiijin karin arintaasi.

Ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya oo fariisin ku leh meel aanan ka fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay, ayaa durba halkaasi tagay, waxaana ay wadaan ciidanka Baaritaan ku aadan qaraxa miinada ee dhacay.