Maxaan ku soo arkay magaalada Hobyo Godan?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Muddo sanad iyo laba bilood kadib ayay ii suurtagashay inaan booqasho ku tago magaalada qadiimiga ah ee HOBYO GODAN ee koofurta gobolka Mudug, Waa magaalo xeebeed istaartiiji ah, dadka ku dhaqan ayaa ku tiirsan kaluumeysiga iyo xoolaha nool, iyo beerahana.

Magaalada Hobyo ayaa ka soo kabanaysa daqaradii dagaalada sokeeye, waxaa bishii Feberaayo 2016 Hobyo yeelatay maamul ay ku mideysan yihiin bulshada degan, dhismaha maamulkan ayaa badalay xaaladii magaalada, waxaa dhamaaday kala qoqobkii bulshada, inkastoo awood dowladeed oo xooggan aysan ka muuqan, hadan maamulku degmada wuxuu soo celiyey is aaminaadii dadka iyo isdhexgalkooda.

Maxaan ku soo arkay Hobyo

  1. Dekada Hobyo oo hab macmal ah u shaqeynaysa, halkaas oo ay shaqo ka heleen dhalinyaro farabadan.
  2. Isdhexgalka bulshada oo kordhay, waxaana yareyd inta aan arkay qof qori wata.
  3. Dhismaha guryaha ayaa sara u kacay.
  4. kala iibsiga dhulka oo kordhay
  5. Waxaa heer gabagabo maraya dhismaha xarunta dowladda Hoose iyo dhismaha iskoolka degmada
  6. Hay’ado badan oo xafiisyo ka furtay magaalada.
  7. Hobyo oo goordhow yeelanaysa Gole deegaan degmada.
  8. Waxaa socda dhismaha garoonka diyaaradaha degmada.
  9. Hotelo badan oo magaalada laga hirgaliyey.
  10. Dhismaha Wadada Hobyo-Galkacyo oo meel fiican maraya.

Ma ahan tobankan qodobkaan kaliya horumarka hobyo ka socda, balse waxaa xaqiiq ah in Hobyo ay wadadii horumarka cagta saartay.

Caqabadaha heysta Hobyo

  1. Bacaadka oo faraba’an ku hayo deegaanka Magaalada, waxa uuna u baahan yahay maareyn sax ah.
  2. Ciidamo amni oo rasmi ah kama jiraan hobyo, marka laga reebo dhowr askari. inkastoo ay joogaan maleeshiyo beleed ka qeyb qaata sugidda amniga degmada.
  3. Wadooyinka dhexmara magaalada Hobyo oo aan hagaagsaneyn, inkastoo ay jiraan wadooyin qaar u maalmulku wax ka qabtay.
  4. dhismayaasha hareeraha wadooyinka oo caqabada ku ah bilicda magaalada.
  5. Madaxda Sare ee Galmudug oo aan dadaalkii loo baahnaa ku bixin degmada Hobyo.

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

?

Maxamed Dhagacade