Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Baardheere

Wararka Maanta

Wararka aan ka heleyno Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa tibaaxaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay duleedka degmadaasi.

Qaraxani oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuixyay ayaa waxaa ku dhaawacmay Shan ruux inta la ogyahay.

Taliyaha ammaanka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Xuseen Muxumed Xasan, ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan kadibna Ciidanka ay uga hortageen duleedka Baardheere.

“Gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayuu ahaa xogtiisa ayaan helnay kadibna waan ka hortagnay oo banaanka Magaalada ayaan uga hortagnay anaga & Ciidamada Amisom, sidaasi ayaana ku fashilinay gaari ruuxii waday kaliya ayaa isku qarxiyay.” Ayuu yiri Sarkaalkaan.

Shabaab ayaa weeraro qaraxyada ku bilaawda ka fuliya deeganada Maamulka Jubbaland