Sheeko Dhab ah oo ka Dhacdey Baadiyaha Cadaado
Hooyadeey Alaha u Naxariistee ayaa iiga sheekeysey Yaraateydii Qiso Dhab ah oo iIaa Hadda aan Hilmaamin waxaana Goostey in aan Bulshada maanta la Qaybsado ama la wadaago ,Waxay ka Dhacdey Baadiyaha Cadaado , Reer ay Deris ahaayeen Hooyadeey ayaa Wiilkooda waxay u sheegeen in Beri loo Aqalgeynayo Ina Hablaayo, markaasuu Hooyadii iyo Aabihii wiilkii wuxuu ku yiri “ Gabdhaas maad iga Dhaaftaan” Maya “ Anaga ayaa kuu Doorney ee Beri Diyaar Garow.
Waxaa uu ku yiri Labadiisii Waaliid “Hooyo iyo Aabbe intaan Guursan lahaa Qamar waxaan ka Xigaa Qabri” Aabbe ayaa soo boodey oo wiilkii ku yiri “ Maxaa isku inkaareysaa Gabadhaas Quruxda badan oo qoys wanaagsan ka soo jeeda baan kuugu Darney” hase yeeshee Hooyo Iyo Aabbe Waxay ku Jiraan Diyaar Garow waxayna Bilaabeen in Loo digo Bulshada Deegaan, Dhinaca kale wiilka waxaa ka muuqda Muruqo iyo Walbahaar waxaana uu ku celceliyaa “ Heblaayo Guurgeeda Qabri baan ka xigaa” waxay Saacadu is Gurto waxaa la Garey Habeenkii oo Berii ay tahay Maalintii Arooskiisa .
Waxaa la soo diyaariyey Hal Ameer ah si Bulshada Beri ugu Baashaalaan arooskana uu deegaanka ka noqdo mid ma hadho ah oo muddo laga sheekeeyo hase yeeshee Wiilkii ayaa markey ahayd 4 Saac Fiidkii waxaa ku soo boodey Qandho , waxay Hooyada iyo Aaabaha wiilkii ku yiraahdeen “Qandhada haysaa waa mid Fuleynimo ah” , waxaa loo soo Diyaariyey Dharkii Hidaha iyo Dhaqanka ee uu Beri ku aroos Geli lahaa , welibana waxa loo Dhisey Aqalka aad u weyn oo wax waliba loo dhigey.
Qandhadii baa ku siyaadey hase yeeshee markii La gaarey Lix saac Habeeninmo ayaa wiilkii Arooska ahaa ayey Nafta ka baxdey, waxaa Gurigii ka baxay Baroor, waxaana Aabihii iyo Hooyadii la soo dersey Muruqo waxayan Yiraahdeen “ Ilaah baa u aqbaley Baryadiisii” Waxaa Bulshadii ku dhaqaneyd Deegaanka oo sugayey Farxadii Arooska in Gurigii u yimaadaan Tacsi iyo u diyaargarowga Aaaska iyo in Hooyadii Aaabihii la weydiiyo Wiilkooda waxa ku dhacay iyo Sababta uu u geeriyoodey balse Hooyadii iyo Aabihii Aaamusnaan baa ka soo hartey iyo Murugo.
Waxaana Xoolihii loo diyaariyey Arooska iyo Farxadii Bulshada Deegaanka isku Badeleen Tacsi iyo Alal Bari, waxaana Gurigii soo Buux Dhaafiyey Dad fara badan oo qaarkood Meel Fog fog ka yimid sidoo kale Qoyskii Gabadha ka dhalatey ayaa iyana waxay fajiciso ku noqotey Geerida Deg deg ah ee ku timid Wiilka Sidaa darteed Walaal sheekadaan sidee u aragtaa? magacee baa u Bixin lahayd aniga magacaan u Bixiyey waa “QAMAR GUURKEEDA QABRIYAA KA XIGAA” AMA “ AROOS ISKU BADELAY TACSI”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinlkhasaaro@hotmail.co.uk
Tel 00252615532494